Ilaalinta caafimaad-qabka bulshadeena—si wadajir ah

Dad badan waxay su’aalo ka qabaan tallaalada. Webseedkani wuxuu jawaabo ka bixinayaa qaar ka mid ah su’aalaha ugu badan si lagaaga caawiyo inaad go’aannada caafimaad ee ugu wanaagsan u gaarto naftaada iyo qoyskaaga.

Hel jawaabo
Sawirka aabe, hooyo, iyo canug yar oo buug ku akhrinaya kursi fadhi carbeed ah.

Shaqada farshaxanka Wasima Farah

Su’aalaha ugu badan

Iyadoo wararka jadeecadu ay soo laabteen, dad badan waxay la yaaban yihiin sidi ay u ilaalin lahaayeen caafimaadka qoyskooda iyo bulshadooda. Guji su’aal kasta si aad u aragto jawaabta.

Waa maxay sababta jadeecadu ay aad khatar ugu tahay?

Jadeecadu ma ahan un finan, waxayna noqon kartaa mid aad khatar ugu ah ilmaha yaryar. Nasiib darro-se, carruurta Mareykanka waxay xitaa jadeeco ugu dhinteen 2025. Waxay keeni kartaa qandho daran, shuban, dhibaatooyin sambabada ah (burkiito), dhagoolnimo, iyo maskax barar. Dhibaatooyinkani waxay keeni karaan dhaawac joogto ah waxayna ilmaha khatar u gelin karaan caabuqyo kale.  

Jadeecadu aad bay u faaftaa. Waxay waxyeellayn kartaa bulshada oo dhan, canugaaga oo kaliya ma waxyeelaynayso, sidaas darteed waa muhiim inaad ogaato calaamadaha: qandho, qufac, san biyo ka socdo, iyo indho casaan ah, oo ay ku xigaan finan barbarro yaryar leh oo badanaa ka bilowdo wajiga kadibna ku faafa jirka intiisa kale.

Haddii aad aragto calaamadahaan, gaar ahaan haddii aad aragto saddex asbuuc gudahooda kadib marki aad ka soo laabatay dibedda Maraykanka, joog guriga oo wac dhakhtar isla markaaba.

La sheekaysiga Dr. Mahad Ururshe

Ka dhagayso dhakhtarka carruurta wax ku saabsan doorka muhiimka ah ee ay tallaaladu u leeyihiin ilaalinta bulshadeena iyo xog ku saabsan tallaal kasta oo ay tahay carruurtu inay qaataan. Waxaad sidoo kale u daadagi kartaa xagga hoose si aad uga hesho jawaabo degdeg ah oo ku saabsan tallaalada carruurta.

Baro waxbadan oo ku saabsan tallaalada