Shuruudaha isticmaalka
Shuruudahani waxay qeexayaan xeerarka iyo qawaaniinta lagu adeegsanayo healthwadaag.org oo ay maamusho Public Good Projects (PGP).
Marka aad gasho webseedkan waxaan u qaadanaynaa inaad aqbashay shuruudahaan. Ha sii wadin inaad isticmaasho bartan haddii aadan oggolayn inaad aqbasho dhammaan shuruudaha lagu sheegay boggan.
Erey-bixinta soo socota ayaa khusaysa Shuruudahaan, Bayaanka Asturnaanta Sirta iyo Ogaysiiska Afeefashada iyo Heshiisyada oo dhan: “Soo Booqdaha Webseedka,” “Adiga,” iyo “Kaaga” waxaa loola jeedaa adiga, qofka soo galaya webseedkan una hoggaansamaya shuruudaha Public Good Projects. “Shirkadda,” “Lafteenna,” “Annaga,” “Keena,” iyo “Innaga,” waxaa loola jeedaa Public Good Projects. Adeegsi kasta oo erey-bixinta kor ku xusan ah ama ereyada kale mufradka, jamaca, farta waawayn iyo/ama isaga/iyada ama iyaga, waxaa loo qaataa inay yihiin kuwi isu dhigma sidaas darteedna waxaa loola jeedaa hal wax.
Afeefta Xogta Caafimaadka
Xogta ku jirta bartan iyo baraheeda bulshada iyo kannaalada kale sida warsidaha iimaylka waxaa dib-u-eega khuburada caafimaadka iyo sharciga. Si kastaba ha ahaatee, xogta noocaas ah looguma talagelin ama loogama jeedo inay beddel u noqoto talo-bixinta caafimaad ee xirfadlaha, ogaanshaha ama daaweynta. Dhammaan waxa ku jira, oo ay ku jiraan qoraalka, garaafyada, sawirada iyo xogta, ee ku jira ama lagu helo webseedkan waxaa loogu talagalay oo kaliya ujeedooyin xogeed oo guud.
Cookies-yada
Waxaanu adeegsanaa cookies. Markaad gasho bartan waxaad aqbashay inaad isticmaasho cookies-yada si waafaqsan Siyaasadda Asturnaanta Sirta ee Public Good Projects.
Webseedyada dhexgalka leh badankooda waxay isticmaalaan cookies si ay u qabtaan xogta isticmaalaha ee booqasho kasta. Cookies-yada wuxuu webseedkeena u isticmaalaa inuu ku suurtagaliyo shaqaynta dhinacyo gaar ah si uu ugu sahlo dadka soo booqanaya webseedkeena.
iFrames
Iyadoo aan lahayn oggolaansho hore oo qoraal ah, fareemyo ma ku samayn kartid boggageena Webseedka kuwaasoo si un u beddelayo bandhigga muuqaalka ama muuqashada Webseedkeena.
Asturnaanta Sirtaada
Fadlan akhri Siyaasadeena Asturnaanta Sirta.
Ilaalinta Xuquuqaha
Waxaanu xaq u leenahay in aan kaa codsano in aad saarto dhammaan liinkiyada ama liinki kasta oo gaar ah oo aad ka saarto Webseedkeena. Waxaad oggolaanaysaa inaad isla markiiba liinkiyada oo dhan ka saarto Webseedkeena marki lagaa codsado. Waxaan sidoo kale xaq u leenahay inaan wakhti kasta wax ka beddelno shuruudahaan iyo siyaasadda isku xirka. Markaad si joogto ah liinki ugu xirto Webseedkeena, waxaad aqbashay inaad u hoggaansato oo aad raacdo shuruudahaan isku xirka.
Afeef
Ilaa inta ugu badan ee uu oggol yahay sharciga lagu dabaqi karo, waxaanu ka saaraynaa dhammaan matalaadaha, dammaanadaha, iyo shuruudaha la xiriira webseedkeena iyo isticmaalka webseedkan. Ma jiro wax ku jiro afeeftan oo:
- xaddidi doona ama ka saari doona masuuliyadeena ama masuuliyadaada dhimasho ama dhaawac shakhsiyeed;
- xaddidi doona ama ka saari doona masuuliyadeena ama masuuliyadaada khiyaanada ama matalaada been-abuurka ah;
- xaddidi doona wax masuuliyadeena ah ama masuuliyadaada ah sinnaba oo aan lagu oggolaan sharciga lagu dabaqi karo; ama
- ka saari doona wax masuuliyadeena ama masuuliyadaada ah oo aan looga saari karin sharciga lagu dabaqi karo.
Xaddidaadaha iyo mamnuucitaanada masuuliyadda ee lagu dejiyay Qaybtan iyo meelo kale oo ka mid ah afeeftan: (a) waxay ku xiran yihiin baaragaraafka ka horreeya; waxayna (b) maamulaan dhammaan masuuliyadaha ka dhalanaya afeefta, oo ay ku jiraan masuuliyadaha ka dhalanaya qandaraaska, waxyeellada iyo jebinta waajibaadka sharciga.
Inta webseedka iyo xogta iyo adeegyada webseedka lagu bixinayo bilaash, masuul kama noqon doono khasaaro kasta ama waxyeello kasta nooci kasta oo ay ahaataba.
Xogta iyo waxyaabaha tixraaca ah ee halkaan ku jira waxaa kaliya loogu talagalay xogta guud ee akhristaha. Looma isticmaalayo ujeedooyin daawayn, balse taa beddelkeeda waa in lagala hadlaan dhakhtarka bukaanka. Xogta lagu soo bandhigay halkan looguma talagalin in lagu ogaado dhibaatooyinka caafimaadka ama inay beddel u noqdaan daryeelka caafimaadka ee xirfadeed. Macluumaadka ku jira halkan midkoodna loogama jeedo in lagu tilmaamo waxa ka dhigan daryeelka macquulka ah, habboon ama ugu wanaagsan ee dhibaato kasta oo caafimaad oo gaar ah, loogamana jeedo in loo isticmaalo inay beddel u noqdaan xukminta madaxa bannaan ee dhakhtarka ee dhibaato kasta oo caafimaad oo gaar ah. Dhammaan waxa ku jira, oo ay ku jiraan qoraalka, garaafyada, sawirada, iyo xogta, ee ku jira ama lagu helo Webseedkan waxaa loogu talagalay oo kaliya ujeedooyin xogeed oo guud. Xaddidaada gaarka ah ee kheyraadka xogeed sida healthwadaag.org waa in aysan awoodin inay ku xisaabtanto duruufaha gaarka ah ee qeexaya dhibaatooyinka caafimaad ee bukaanka. Dhammaan soo booqdayaasha webseedkan iyo webseedyada kale ee la xiriira ee healthwadaag.org waxay oggolaanayaan inay akhriyaan oo ay u hoggaansamaan shuruudaha dhammeystiran ee heshiiskan.
Afeefaha Sharciga
Soo Koobidda:
- Webseedkani kama dhigna isku-day lagu dhaqmo daawada.
- Isticmaalka barta ma dhisayo xiriir u dhexeeya dhakhtar iyo bukaan.
- Shakhsiyaadku waa inay la tashadaan daryeel bixiye caafimaad oo uqalma wixi talo caafimaad ah iyo jawaabo oo ku aadan su’aalaha caafimaadka shakhsi ahaaneed.
- Iyadoo bartu ay isku-daydo inay sax ahaato ilaa inti suurtagal ah, waa in aan loogu tiirsanaan sidi mid dhammeystiran ama aan khalad lahayn.
- Webseedku wuxuu xaq u leeyahay inuu beddelo afeeftiisa ama siyaasadda asturnaanta sirta.
Dammaanado Ma Jiraan
Webseedka waxaa lagu bixiyaa “sida uu yahay,” iyo “sida loo heli karo” iyadoo aanay jirin dammaanad nooc kasta, mid cad ama mid maldahan, oo ay ku jiraan balse aanay ku koobnayn, kuwa MAGACA, BAAYAC-MUSHTARNIMADA, KU HABBOONAANTA UJEEDDO GAAR AH, IYO KU XADGUDUB LA’AANTA XUQUUQDA ama dammaanad kasta oo ku saabsan saxnaanta, wakhtiga, dhammeystirnaanta ama ka dhalanaya xilligi macaamilka, isticmaalka, ama dhaqanka ganacsiga. Ma jirto talo afka ah ama macluumaad qoran oo uu bixiyay webseedkan oo abuuri doona dammaanad; oo xubnaha ama soo booqdayaasha barta kuma tiirsanaan karaan macluumaadka ama talada noocaas ah.
Afeefta Masuuliyadda
Isticmaaluhu wuxuu qaadanayaa dhammaan masuuliyadda iyo khatarta isticmaalka Webseedkan. Ma jiraan wax xaalado ah oo webseedkan ah ama kaqaybqaatayaashiisa/shaqaalaha ama ururada xiriirka la leh, shaqaalihiisa ama qofkasta oo kale oo ku lug lahaa abuurista ama ilaalinta Webseedkan oo masuul ka noqonaya WAXYEELLO KASTA OO TOOS AH, DADBAN, KAMA’ AH, GAAR AH, ama CAWAAQIB AH, ama FAA’IIDOOYIN LUMAY oo si toos ah ama si dadban uga yimaada isticmaalka ama awoodis la’aanta isticmaalka Webseedka iyo/ama webseedyada kale ee ku xiran boggan—ama si toos ah ama si dadban uga yimaada khaladaadka, ka saaritaanka, carqaladaha, tirtirka faylasha, fayrasyada, khaladaadka, cilladaha, ama wax qabad kasta oo guuldarraysta, guuldarrada isgaarsiinta, xatooyada, burburinta ama gelitaanka aan la ogalayn. Gobbolada aan oggoleen qaar ka mid ah ama dhammaan xaddidaadaha kor ku qoran ee masuuliyadda, masuuliyadu waxay ku koobnaan doontaa ilaa inta ugu badan ee uu oggol yahay sharcigu.
Habdhaqanka Onlaynka
Soo booqdayaasha waxay aqbalayaan inay Webseedka ay u isticmaalaan oo kaliya ujeedooyin sharci waxaana ka mamnuuc ah inay Webseedka dhigaan wax kasta oo sharci-darro ah, waxyeello leh, hanjabaad, cay, dhibaatayn, sumcad-dil ama fuxshi ah nooc kasta, oo ay ku jiraan, balse aanay ku koobnayn, wax kasta oo dhiirigeliya habdhaqan ka dhigan fal dembi, dhalinaya mas’uuliyad madani ah ama haddii kale ku xadgudbaya sharci kasta oo maxalli ah, gobol, qaran ama caalami ah. Tani waxa ay khusaysaa soo dhigis kasta oo lagu tilmaami karo inay tahay Dhibaatayn Galmo iyo ama Takoor. In kastoo iyadoo aan lahayn cabasho gaar ah aan waxyaabaha la soo dhigo laga fiirin inay u hoggaansan yihiin qodobadiisa, si looga digo dhaqanka noocaas ah, fadlan ogow in waxyaabaha la soo dhigo qaybta faalooyinka ay qori doonaan magaca qoraaga—lama oggola in la soo dhigo waxyaabo iyadoo magacu qarsoon yahay!
Isbeddelada
Waxaan xaq u leenahay, si ikhtiyaarkeena ah, inaan hagaajino ama wax ka beddelno Shuruudahaan wakhti kasta. Haddii isbeddelku yahay mid wayn waxaan isku-dayi doonaa inaan ugu yaraan 30 bari kahor ogaysiis ka bixino ereyo kasta oo dhaqangalaya. Waxa ka dhigan isbeddel wayn waxaa lagu go’aamin doonaa ikhtiyaarkeena noo gaarka ah.
Ku Xirnaanta Webseedyo Kale
Adeegeena waxaa laga yaabaa inuu ka kooban yahay liinkiyo ku xiran webseedyo dhinacyo saddexaad ah ama adeegyo aanan lahayn ama aanan maamulin. Public Good Projects ma maamulaan, mana qaadanayaan masuuliyadda, macluumaadka ku jira, siyaasadaha asturnaanta sirta, ama dhaqamada webseedyada ama adeegyada dhinac kasta oo saddexaad. Waxaad sidoo kale garowsanaysaa oo aad aqbalaysaa in aanu masuul ka noqon doonin, si toos ah ama si dadban, waxyeello kasta ama khasaaro kasta oo ay keenaan ama la sheegay inay keeneen ama iyadoo lala xiriirinayo isticmaalka ama ku tiirsanaanta macluumaad kasta oo noocaas ah, badeecadaha ama adeegyada laga helo ama lagu heli karo webseedyo kasta ama adeegyo kasta oo noocaas ah.