Siyaasadda asturnaanta sirta
Marki u dambaysay la cusboonaysiiyay: Juun, 2025
Halkan healthwadaag.org, mid ka mid ah mudnaanaheena ugu wayn waa asturnaanta sirta soo booqdayaasheena. Dukumiintigan Siyaasadda Asturnaanta Sirta wuxuu ka kooban yahay noocyada xogta ay ururiyaan ayna diiwaangeliyaan healthwadaag.org iyo sida aan u isticmaalno.
Haddii aad qabto su’aalo dheeraad ah ama aad u baahato xog dheeraad ah oo ku saabsan Siyaasadeena Asturnaanta Sirta, haka laba-labaynin inaad nagala soo xiriirto info@healthwadaag.org.
Siyaasadan Asturnaanta Sirta waxay kaliya khusaysaa hawlaheena onlaynka ah waxayna ansax u tahay soo booqdayaasha webseedkeena wixi ku aadan xogta ay la wadaageen iyo/ama ay ururisay healthwadaag.org. Siyaasadani ma khusayso xog kasta oo lagu ururiyo oflayn ama marinada aan ahayn webseedkan.
Oggolaanshaha
Marka aad isticmaasho webseedkeena, waxaad halkani ku oggolaatay Siyaasadeena Asturnaanta Sirta waxaadna aqbashay shuruudaheeda.
Xogta aanu ururino
Xogta gaarka ah ee lagu waydiinayo in aad bixiso, iyo sababaha laguu waydiinayo inaad u bixiso, waxaa laguugu caddayn doonaa barta aanu kugu waydiinayno inaad ku bixiso xogtaada gaarka ah.
Haddii aad si toos ah noola soo xiriirto, waxaa laga yaabaa in aanu qabano xog dheeraad ah oo kugu saabsan adiga sida magacaaga, ciwaanka iimaylkaaga, taleefan lambarka, macluumaadka ku jira farriinta iyo/ama lifaaqyada laga yaabo inaad noo soo dirto, iyo xog kasta oo kale oo laga yaabo inaad doorato inaad bixiso.
Marka aad rukumato farriimaha iimaylka ah ama aad noola soo xiriirto sidi la-hawlgale, waxaan ku waydiin karnaa macluumaadka lagaala soo xiriiro, oo ay ku jiraan waxyaabaha sida magaca, shirkadda, ciwaanka guriga, ciwaanka iimaylka, iyo lambarka taleefanka.
Sida aan u isticmaalno xogtaada
Ma ka iibino, ma ka kirayno, ama ma ka ganacsano xogta isticmaalaheena (haddii ay ahaan lahayd isticmaalayaasha guud ama isticmaalayaasha la-hawlagalayaasha ama maamulayaasha) dhinacyo dibedda ah. Waxaan u isticmaalnaa xogta aan ururino ee adiga kugu saabsan in aanu ku bixino korna ugu qaadno Adeegyada, ku fududayno hannaanka kheyraad-wadaagista, uga jawaabno codsiyadaada, xogna kugu siino adiga.
Fadlan la soco in, ilaa inta loogu baahdo inaan ku bixinno adeegyadeena, waxaan Xogtaada la wadaagaynaa isticmaalayaasha mutadawiciinta ah, Wakaaladaha, adeeg bixiyayaasheena dhinaca saddexaad ah, Shuraakadeena, hadba sidi ay u khusayso. Waxaan sidoo kale xaq u leenahay in aan Xogtaada u isticmaalno inaan kuugu soo dirno iimaylada lacagaha la xiriira. Waxaad iska xiri kartaa iimayladaan wakhti kasta adigoo booqanaya linkigan.
Waxaan u isticmaalnaa xogta aan ururino siyaabo kala duwan, oo ay ku jiraan inaan:
- Ku bixino, ku shaqayno, oo aan ilaalino webseedkeena
- Kor ugu qaadno, ku shakhsiyadeeno, kuna ballaarino webseedkeena
- Ku fahamno kuna falanqayno sida aad u isticmaalayso webseedkeenna
- Ku horumarino badeecooyin cusub, adeegyo, sifooyin, iyo shaqayn
- Kaala soo xiriirno adiga, midkood si toos ah ama anaga oo soo marayno mid ka mid ah la-hawlgalayaasheena, oo uu ku jiro adeegga macmiilka, inaan kugu siino wararki u dambeeyay iyo xogta kale ee la xiriirta webseedka, iyo ujeedooyin suuq-gayn iyo xayaysiis ah
- Kuugu soo dirno iimaylada
Faylasha Diiwaanka Booqashada
healthwadaag.org waxay raacdaa habraaca caadiga ah ee loo isticmaalo faylasha diiwaanka booqashada. Faylashani waxay diiwaangeliyaan soo booqdayaasha marka ay booqdaan webseedyada. Dhammaan shirkadaha martigelinaya ayaa sidan sameeya iyagoo qayb ka ah gorfaynta adeegyada martigeliyaha. Xogta ay ururiyaan faylasha diiwaanka booqashada waxaa ka mid ah ciwaanada borotokoolka intarneedka (IP), nooca barowsarka, Bixiyaha Adeegga Intarneedka (ISP), taariikhda iyo wakhtiga, boggaga tixraaca/ka bixista, iyo suurtogalnimada tirada gujisyada. Kuwani kuma xirna wax xog ah oo shakhsi ahaan qofka lagu aqoonsan karo. Ujeedada xogta waa in lagu falanqeeyo isbeddelada, maamulidda mareegta, raadraaca dhaqdhaqaaqa isticmaalayaasha ee webseedka, iyo ururinta xogta tiro koobka.
Cookies-yada iyo Web Beacon-ada
Si la mid ah webseed kasta oo kale, healthwadaag.org waxay isticmaashaa ‘cookies’. Cookies-yadani waxaa loo isticmaalaa in lagu keydiyo xogta ay ku jirto dookhyada soo booqdayaasha, iyo boggaga webseedka ee uu soo booqduhu galay ama uu booqday. Xogta waxaa loo isticmaalaa in kor loogu qaado khibradda isticmaalayaasha iyadoo loo shakhsiyadaynayo waxa ku jira bogga webseedka iyadoo lagu salaynayo nooca barowsarka soo booqdayaasha iyo/ama xogta kale.
Waxaad dooran kartaa inaad iska xirto cookies-yada adiga oo isticmaalaya xulashooyinka barowsarkaaga gaarka ah. Si aad u ogaato xog ka sii faahfaahsan oo ku saabsan maaraynta cookie ee barowsarada webseedyada gaarka ah, waxaa laga heli karaa webseedyada gaarka ah ee barowsarada.
Xuquuqaha Sirta ee CCPA (Ha Gadin Xogtayda Gaarka ah)
Sida ay dhigayaan CCPA, iyo xuquuqaha kaleba, isticmaalayaasha California waxay xaq u leeyihiin inay:
- Codsadaan in ganacsigi ururiya xogta shakhsiga ah ee macmiilka uu shaaca ka qaado qaybaha iyo meelaha gaarka ah ee xogta shakhsiyeed ee ganacsigu ka ururiyay macaamiisha.
- Codsadaan in ganacsigu masaxo xog kasta oo shakhsi ahaaneed oo ku saabsan macmiilka ee uu ganacsigu ururiyay.
- Codsadaan in ganacsiga iibiya xogta gaarka ah ee macmiilka, uusan iibin xogta gaarka ah ee macmiilka.
Haddii aad samayso codsi, waxaan haysanaa hal bil oo aan kuuga soo jawaabno. Haddii aad jeclaan lahayd inaad adeegsato mid ka mid ah xuquuqahaan, fadlan nagala soo xiriir info@healthwadaag.org.
Xogta Carruurta
Mudnaan kale ayaa ah in ilaalin lagu kordhiyo carruurta inta ay isticmaalayaan intarneedka. Waxaan ku dhiirigelinaynaa waalidiinta iyo masuuliyiinta inay korjoogteeyaan, kaqaybqaataan, iyo/ama la socdaan oo ay hagaan dhaqdhaqaaqooda onlaynka.
healthwadaag.org si ogaal ah ugama ururiso carruurta ka yar 13 sano wax ah Xogta Shakhsiga Lagu Aqoonsan Karo. Haddii ay kula tahay in canugaaga uu xogta noocaan ah ku bixiyay webseedkeena, waxaanu si adag kuugu boorinaynaa inaad nala soo xiriirto isla markiiba waxaana samayn doonaa inta karaankeena ah si aanu si degdeg ah xogta noocaasi ah uga saarno diiwaanadeena.
Ballanqaadkeena Amniga Xogta
Si looga hortago marin-u-helka aan la idmin, loo ilaaliyo saxnaanta xogta, loona xaqiijiyo isticmaalka saxda ah ee Xogta, waxaanu dejinay habraacyo jireed oo macquul ah, elektaroonik ah, iyo maamuleed si aanu u ilaalino oo aanu u sugno xogta aanu ku ururino onlaynka. Haddii aad qabto wax su’aala ah oo ku saabsan amniga xogteena ama dhaqamada haynta xogta, fadlan iimayl noogu soo dir info@healthwadaag.org waxaana ka shaqayn doonaa inaan ku siino jawaabaha aad u baahan tahay.
Isbeddelada Siyaasadda
Siyaasadani Asturnaanta Sirta waxay ku xiran tahay dib-u-eegis marmar ah. Haddii aan wax isbeddelo ah ku samayno Siyaasadan Asturnaanta Sirta, waxaan beddeli doonaa taariikhda "Marki u Dambaysay La Cusboonaysiiyay" ee kor ku qoran.
Sida Aad Noola Soo Xiriirayso
Waxaanu kaaga mahadnaqaynaa su’aalahaaga ama faalooyinkaaga ku saabsan bayaankan asturnaanta sirta, dhaqamada Adeegyada, ama la macaamilkaaga healthwadaag.org. Waxaanu sidoo kale rabnaa in aanu si taxadar leh kuula shaqayno si aanu u xallino wixi khilaafyo ama arrimo ah ee laga yaabo inaad qabto. Fadlan iimayl u dir info@healthwadaag.org.